Somali News

Seddex askari oo ka tirsan ciidamada Nabad ilaalinta Q.M oo lagu dilay Maali.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in 3 ka mid ah ciidamadeedi ku sugan dalka Mali lala bartilmaamaysaday qarax ay ku geeriyoodeen 6 qof, halka kuwa  kalana ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa ka dhacay magaalada Tambukto, waxaana halkaasi ay ciidamadu ka wadeen howlgal amni.

Seddexda askari ee qaraxa lagu dilay ayaa la tilmaamay inay ka soo jeedaan dalka Ivory Cost, sida  laga soo xigtay wasaaradda Difaaca Dalkaasi.