Somali News

Seeraar iyo Xidig oo eed u jeediyay Shiikh Shariif

Kismaayo-KNN-Cabdi Naasir Seeraar Max iyo Cabdi rashiid Xidig oo horey u sheegtay in ay yihiin madaxweynayaasha maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay ka hadleen xaaladaha maamulkaasi iyo dhacdadii Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo maalin ka horna laga hor istaagay magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose.

Waxaa ay sheegeen  xubnahan in xaalada cakiran ee maamulka Jubbaland aysan baasin lagu shubin, iyagoona ka dalbaday madaxdii hore ee dalka soo martay in aysan la safan qaar ka mid ah dadka kismaayo isku heysta.

Cabdinaasir seerar iyo Xidig ayaa si wadajir ah u sheegay in kismaayo aysan noqon mid laga mucaarado dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdi Rashiid xidig ayaa dhankiisa ku eedeeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya in sidii waajibka aheyd uga hadlin xaalka Jubbaland oo uu doonayay in uu ka qeyb galo xaflada Caleemo saarka Axmed Madoobe.

Waxaa sii kordha xiisada siyaasadeed u dhexeysa dowladda dhexe, Maamulka Jubbaland iyo siyaasiyiinta ee Mucaaaradka ah.