Somali News

Seeraar iyo Xidig oo Kismaayo ka wada hub urursi iyo qorista ciidamo.

Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in siyaasiyiinta C/Rashiid Xidig iyo C/Naasir Seeraar ay Magaaladaasi ka wadaan hub uruursi iyo qorista ciidamo iyaga u gaar ah.

Abaabulka siyaasiyiintan ayaa yimid ka dib hadal uu dhawaan warbaahinta la wadaagay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ahaa in aanu u dulqaadan doonin in Kismaayo ay ku sugnaadaan rag sheeganaya madaxweyne-nimada Jubbaland.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xidig iyo Seeraar kulan ay ku yeesheen Kismaayo ay ku heshiiyeen qodobo ay ka mid yihiin,In mid kasta uu si gooni ah u sameysto ciidamo difaaca.

Sidoo kale waxaa ay wararka intaasi ku darayaan in heshiis uu qeyb ka ahaa qodob kale oo sheegaya in hadii midkood ay ciidamada Jubbaland ee Axmed Madoobe ka amar qaata ay weerar ku soo qaadaan in ay isu gurmadaan oo ay is caawiyaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in aysan aqoonsaneyn doorashooyinka is diidan ee Kismaayo ka dhacay in Axmed Madoobe uu yahay Maidaxweynaha Jubbaland.

Xaalada Kismaayo ayaa u muuqata mid galeysa jawi ka badalan kii ay ku jirtya maalmihii u dambeysay, Waxaana dadka sida dhaw ula socda siyaasadda Jubbaland ay ka muujinayaan walaac arrinkan soo kordhay.