Muqdisho-KNN-Xildhibaanada aqalka senate-ka ayaa u codeeyay in milatariga Mareykanka uu joojiyo taageerada uu sacuudiga ka siiyo dagaalka Yemen.
Waxaay sidoo kale dhaxal sugaha Sacuudiga ku eedeeyeen in uu ka dambeeyay dilikii weriye Jamal Khashoggi.
Qaarka tirsan xisbiga madaxweyne Trump ee Republican-ka ayaa raacay xisbiga Dimuqraadiga si ay Sacuudiga oo muddo dheer xulafo la ahaa Mareykanka ugu eedeeyaan dilkii weriye Jamal Khashoggi.
Mr Trump ayaa wacad ku maray in uu adeegsan doono codka veto, waa ayna adag tahay in golaha baarlamaanka ay iyagana u codeeyaan.
Tallaabadaan ayaa loo arkaa in siyaasadda MrTrump ay ku noqotay mid la yaab leh, sababtoo ah waxa uu ka biya diiday in uu cambaareeyo dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, in kastoo baaritaankaCIA-da Mareykanka ay ku sheegeen in ay u badan tahay in Maxamed Bin Salmaan uuamar ku bixiyay dilkii loo geeystay Khashoggi.