Somali News

Senator Cabdiqani Geele oo ku guuleystay Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha

Kadib kukankii ugu horreeyay ay magaalada Muqdisho ku yeesheen guddiga isku dhafka ah ee loo xil saaray qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ay Guddoomiyaha Guddigaas u doorteen Senator Cabdiqani Geele Maxamed.

Sida lagu shaaciyay qoraal lagu daabacay barta Facebook-ga ee golaha Aqalka Sare Senator Cabdiqani Geele Maxamed ayaa ku guuleystay Xilka Guddoomiyaha Guddiga isku dhafka ee qabanqaabada doorashada Madaxwaynaha kadib markii uu helay codad gaaraya 10 cod.

Xubnihii la tartamayay Senator-ka xilka Guddoomiyaha ku guuleystay ee Cabdiqani oo ay kala ahaayeen Xildhibaan Maxamed Axmed Beereey oo helay 5 cod, halka Senator Cabdi ismaaciil samatar uu isna helay 2-Cod.

Waxaa haatan socoto doorashada Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Guddiga isku dhafka ah ee Xildhibaanada labada aqal, waxaana ku tartamaya musharixiinta kala ah: Xildhibaan Maxamed ibraahim Macalimoow iyo Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed.

Intaa kadib Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha JFS ayaa lagu wadaa inay si toos ah u guuda gali doonaan ka shaqeynta doorashada Madaxwaynaha, xili isha lagu wada hayo sidii u maareeyaan iyo ku dhawaaqistooda la xiriirta xiliga ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha dalka Soomaaliya.