Somali News

Senator Fartaag oo DFS ku eedeeyay qaraxyada ka dhacay Gedo

Senator Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag oo kamid ah mudaneyaasha Aqalka Sare  oo la hadlay warbaahinta ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeyay in ay dhibaato ka wado degmooyinka tirsan gobolka Gedo.

Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in amni darrada ka soo cusboonaatay deegaannada gobolka Gedo ay qeyb ka yihiin Ciidamada ay DFS geysay gobolkaasi.

Senator ayaa sidoo kale ka hadlay qaraxyadii ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, waxaa uuna arintaasi ku eedeeyay in ay ka dambeysay DFS, isagoona sheegay in dowladda Soomaaliya ay siyaasadeysay xaalada gobolka Gedo.