Somali News

Senator Muuse Suudi: Qof u shaqeeya dowladda laga sugi maayo baaritaanka falkii Golaley

Muqdisho-KNN-Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa ka hadlay dhacdadii deegaanka Gololey ee lagu laayey dhalinyaradii dhakhaatiirta aheyd iyo ciidamadii lagu qarxiyey halkaas inta aan la dilin dadkaas.

Senatorka ayaa sheegay in dadka lagu dilay deegaanka Gololey ee dhakhatiirta ahaa iyo ciidamadii ka horeeyay ee qaraxa ku dhintay ay kasoo wada jeedeen hal beel.

Sidoo kale Senator Muuse ayaa sheegay inay in baaritaanka falkaas aan lagu aamini karin dowladda Soomaaliya.

“Dadka labada meelood lagu laayey waa isku hal beel, ciidamada la qaraxa lagu dilay waa sagaal askari, dhakhaatiirta la laayeyna waa sideed, kurtoodna waa hal beel” ayuu yiri Senator Muuse.

Asaga oo hadalkiisa sii watay ayuu yiri, “Dadkii geystay falkaan sida loo helo waa adag tahay, baaris badan ayaan galay waxaan la hadlay guddoomiyaha degmada, taliyaha booliska Balcad, taliyaha Nabad sugidda iyo xildhibaan, dhamaantood waa isla joogeen, hal nin oo wax ka sheegi kara sidii wax u dhaceena waan ka waayey.”

Senator Muuse Suudi ayaa soo hadal qaaday dilkii gudoomiyihii gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow waxuuna sheegay in qiil laga dhigtay in cidii dhimata Al-Shabaab loo saariyo, isla markaana uu weli calaamatu su’aal u saaranyahay dilkii Marxuum Yariisow.

“Falalkaan baaritaankooda laga sugi mayo inay natiijo ka keenaan dadkan dowladda u shaqeeya ee ka baqaya in shaqada laga ceyriyo, arrintan baaritaankeeda caalamka ayaa laga sugayaa, wax lagu kalsoon yahay oo dalkan ka jiro ma jiraan” ayuu yiri Senator Muuse.