Muqdisho-KNN-Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa maanta lahaa ka doodista xeerka ay Golaha shacabka maalinti isniinta ahayd dalka kaga mamnuuceen Shirkadda DPWorld ee Imaaraadka.
Senatorada ayaa yeeshay doodii ugu kululeyd ee looga hadlayo arinta shirkadda DPWorld waxaana ay qaateen saacidihi ugu badnaa ee ay kaga doodayeen xeerka uga imaaday Golaha shacabka.
Kulanka Aqalka sare ayaa markii uu furmay waxaa Senatorada ay soo jeedinayeen qaarkood talooyin ku aadan in Goluhu asyan ansixin xeerkaas si waqti loosiiyo in ay uga soo talo bixiyaan.
Waxaa kale oo xusid mudan in xubnaha qaar ay soo jeediyeen in ka meelmariyo oo la ansixiyo hase ahaatee waxaa ay ahayd dood kulul oo aan dhana loo ridi kari.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa sheegay in kulanka Waqtigiisu uu dheeraaday, waxaana uu tilmaamay in maalmaha soo socda ayaa sii wadi doonaan ka doodista.
Shalay ayay ahayd markii xubnaha Golaha Aqalka Sare loo qeybiyay xeer dalka looga mamnuucayo shirkadda DPWorld oo ay soo gudbiyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.