Uncategorized

Seynab Xuseen oo ka badbaaday weerar lagu qaaday oo ka dhacay Leicester City “UK”

London-KNN-Warbaahinta Dalka UK ayaa maanta daabacay in Booliiska Leicester City ee Dalka Britain ay ka hor tagayn isku day dil oo loo geysan rabay Gabar Soomaaliyeed oo ku naal Leicester City.

Ninkaan weerarka qaaday ayaa lagu magacaabaa Moore waxaana la socday afar qof oo kale, raga weerarka qaaday ayaa watay gaari nuuca raaxada ah sida laga soo xigtay Booliiska Leicester City.

Xogta Booliiska ay gudbiyeen ayaa sidoo kale lagu sheegay in moore uu  isku dayay in uu jiirsiiyo Seynabd Xuseen oo waddada mareysay balse aysan u suurta gelin.

Moore ayaa kasoo hormuuqday Maxkamad ku taalla Magaaladaasi iyada oo marqaatiyada deegaanka ay sheegeen in Moore uu isku dayay in uu dilo Seynab Xuseen oo ah Gabar Soomaali ah.

Dalka Ingariiska ayaa inta badan lagu waxyeeleeyaa Soomaalida, waxaana todobaadkii hore lagu dilay labo wiil oo Soomaali ah.