Somali News

Sh. Aadan Madoobe “Waxaan aaminsanahay in isku tanaasul iyo is qancin aan ku xalin karno walaalaha reer Waqooyi tabashadooda.”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa dadka Soomaaliyeed la wadaagay hambalyadda munaasabadda 1da Luulyo oo ay u dabaaldagayaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay muhiim tahay in loo istaago ka shaqeynta midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 62 sano guuradii ka soo wareegatay 1-da Luulyo1960kii oo ku asteysan xornimadii gobollada Koonfurta iyo midowgii Waqooyi iyo Koonfur.

Sidoo kale, Guddoomiye Shiikh Aadan Madoobe ayaa tilmaamay in 1-da luulyo ay tahay maalin ku weyn guud ahaan quluubta Dadka Soomaaliyeed, sidoo kalena ay tahay maalin ku astaysan gobonnimo iyo guul, taasoo usoo hooyatay gayiga Soomaaliyeed.

“Waxaan aaminsanahay haddii aan u istaagno dhammaanteen, gacmaha is qabsanno, waqtina aan ku bixinno tanaasul iyo is qancin inaan Ka Mira dhalin Karno yoolkeenna ah in walaalaha Soomaaliyeed ee waqooyinka tabashadooda la xallin karo.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur ayaa carabka ku dhuftay inuu waqti iyo maskaxba Ku bixin doono in dhamaan dadka  Soomaaliyeed dib u heshiisiin dhab ah loo furo, si jaceyl iyo niyad Sami iskula noolaadaan, taasina ay horseedo in dowladnimada Soomaaliya ay cagaheeda isku taagto haduu Rabi idmo.