Dhuusamareeb –KNN-Xaliimo Ismaaciil ibraahim xaliimo yarey oo ah gudoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka oo ay ciidamo ka tirsan Maamulka Magaalada Dhuusamareeb xabsi guri ay ka dhigeen ayaa kulan raali gelin ah waxaa ugu tagay gurigeeda madaxa Xukuumadda Galmudug.
Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan madaxa Xukuumadda Galmudug iyo Odayaal ka soo jeeda deegaanka ayaa ugu tagay guri Magaalada Dhuusamareeb ay ka degan tahay Xaliimo Yarey.
Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa sheegay inay ka xun yihiin qaladka lagu xiray Gudoomiyaha Guddiga Doorashada madaxa Banaan Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey).
Waxa uu soo dhaweeyay tallaabada ay ugu gogol xaareyso nidaamka doorasho ee dalka sanadka 2021 ee ah qof iyo cod.
Xaliimo Yarey ayaa aqbashay in looga soo hoyday qaladkii ay ku xanibeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana ay ku koobeen dhaqdhaqaaqeeda Magaalada Dhuusamareeb iyo inaysan guriga ka bixi karin.