Somali News

Sh. Shariif oo weerar afka ah ku qaaday Madaxda dowladda

Muqdisho-KNN-Madaxweynihii  hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu si kulul u weeraray madaxda dowladda soomaaliya, isagoona ku eedeeyay in ay ku xadgudbeen sharciga dalka.

Shiikh Shariif ayaa shirkiisa jaraa’id ku soo hadal qaaday in xayiraadii shalay la saaray, waxaa uuna xusay in arintaasi uu aad ugu xun yahay, islamarkaana aan xiligan madaxda dowladda soomaaliya loogu baahneen in ay tilaabadaasi qaado.

“Muwaadinka xaq ayuu u leeyahay inuu uu safro meesha uu doonayo, islamarkaana aan laga hor istaagi Karin, aniga iyo Madaxweyne Farmaajo waa u simanahay sharciga, cidna kama sareeeyo sharciga”. Ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale Shiikh Shariif ayaa waxaa uu sheegay in cid ka celin karta garoonka aysan jirin, islamarkaana waqti uu rabo meesha uu doono uu aadayo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ugu yeeray Maamul Goboleedyada, Axsaabta siyaasadda iyo Bulshada Soomaaliyeed in ay u istaagaan Bad baadinta Dalka.

Goordhow filo Shirka jaraa’idka ee Shiikh Shariif muuqaal