Somali News

Shabaab doonayay in ay weeraraan saldhig ciidan oo gacanta lagu soo dhigay.

Muqdisho-KNN-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Calamada ee duleedka Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan, in halkaa ciidamada Milatariga ay gacanta ku dhigeen Shan dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Ciidamada Milatariga Soomaaliya  gaar ahaan qeybta 12-ka April ayaa gacanta ku dhigay Shan ka tirsanaa Shabaab oo weerar doonayay in ay ku qaadaan ciidamada saldhig ay halkaa ku lahaayeen.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga oo la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in ay heleen xog ku saabsan weerarka kusoo foodleh, taa oo fududeysay in ay gacanta kusoo dhigaan dagaalamayaashan.

Ragan ayaa waxaa loosoo wareejiyay taliska sare ee ciidanka Muqdisho, mid kamid ahna shanta ragga ah ee lasoo qabtay ayaa ku dhaawacmay howgalkii lagu soo xiray.