Uncategorized

Shabaab iyo Shacab ku dagaalamay duleedka magaalada Beledweyne.

Beledweyn-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo dadka deegaanka ayaa ku dagaalamay maanta deegaan ku yaala duleedka magaalada Beledweyne ee Xarunta gobalka Hiiraan sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dagaalka oo socday muddo kooban ayaa la sheegay in uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Maroodille oo ku yaala duleedka degmada Beledweyne lamana oga inta uu gaarsiisan yahay Khasaaraha ka dhashay Dagaalkaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab weerarka soo qaadeyn Islamarkaana ay iska caabin kala kulmeyn Maleeshiyo deegaanka ah markii dambane Shabaabku ay qabsadeyn deegaanka.

wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ay xaaladda deggan tahay waxaana deegaankii dib ugu Laabtay Ciidamadii maleeshiyada ee markii hore ka soo baxay.