Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya deegaanka Buurdacaar oo hoostaga degmada Aaadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyo Al-shabaab iyo Dadka Degaanka,oo la Magaca baxay Macawuusleey.
Dagaalka oo u dhaxeeyo Dadka degaanka iyo Al-shabaab ayaa sidoo kale waxaa dadkii la dagaalamaya al-shabaab ku soo buuray ciidamada Xogga ee ku sugan Ee G/Sh/Dhaxe.
Saraakiisha Ciidamada Xogga Ee Ku sugan G/sh/Dhaxe Gaar ahaan Degaanka la yiraahdo Buurdacaar oo hoostaga degmada Aaadan Yabaal ayaa sheegay in dagaalka inta uu socday ayaa la sheegay in Al-shabaab looga dilay 4 xubnood oo iskugu jiro Dagaalamayaal iyo Saraakiil shabaab ah,halka dadka degaan dagaalka uga geeriyooday 2 qof sida ay KNN u sheegeyn saraakiisha Ciidamada dowlada ee Sh/Dhaxe.
Xaalka degaankii lagu dagaalamaya ayaa saaka degan,iyadoona dadka degaan Buurdacaar ay wadaan abaabul ku aadan sidii ay iskaga cabin lahaayeen al-shabaab hadii markale ay soo weeraraan


