Uncategorized

Shabaab kale oo iska dhiibay degmooyinka Baardheere iyo Belad-xaawo

Kismaayo-KNN-Mas’uuliyiinta gobalka Gedo ee Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalamayaal Shabaab ah oo iska dhiibay degmada Baardheere ee gobalka.

Guddoomiye ku xigeenka amniga ee maamulka Gedo ayaa warbaahinta u sheegay in degmada Baardheere uu iska dhiibay xubin ka tirsaneyd Shabaab, sidoo kale wuxuu sheegay 14-kii bishan Beladxaawo uu iska dhiibay Dagaalame kale oo katirsan Shabaab.

Wuxuu sheegay ninka iska dhiibay degmada Baardheere inuu yahay nin Sarkaal ah uuna watay Qori AK-47 ah, Afar Bastooladood iyo Telefoono ay lahaayeen Ciidamadii uu hoggaaminayay, maadaama xilligaasi ay isku diyaarinayeen Howlgal, oo raggii la socday uu ka uruuriyay Telefoonadooda.