Somali News

Shabaab lagu qabtay Boosaaso oo maxkamad la soo taagayo

Boosaaso-KNN-Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys oo la hadlay Saxaafada ayaa waxaa uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howgal ay ciidamada Puntland ay ka sameeyeen xaafadaha Magaalada Boosaaso ee Gobalka Barri.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in 5 dagaalame oo ka tirsan Shabaab lagu qabtay Boosaaso,kuwaasoo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilalkii Maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Magaaladaasi.

Gudoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in Maxkamad lasoo taagi doono dadkii ay soo qabteen  si loo marsiiyo Cadddaaladda.

Magaalada Boosaaso ayaa maalmihii dambe waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysto dadka Rayidka ah iyo askarta ka tirsan Puntland.