Somali News

Shabaab oo digniin u diray mareykanka

Muqdisho-KNN-War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku sheegeen in weerarkii ka dhacay Nairobi  uu jawaab u ahaa waxa ay ku tilmaantay “hadalka aan xikmadda ku dhisnayn” ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu magaalada Al-Quds ugu aqoonsaday inay tahay caasimadda Israel.

Al-Shabaab waxay kaloo sheegtay in weerarkaasi uu jawaab u ahaa xadgudubka dawladda Israel ay ku hayso Muslimiinta reer Falastiin.

Al-Shabaab waxay sheegtay in weerarkaas loogu magacdaray, “Al-Quds marna noqon mayso magaalo Yuhuud”.

Madaxweynaha Kenya ayaa maanta sheegay in weerarkii huteelka Dusit D2 lasoo af-jaray isla markaana la dilay argagixisadii weerarka soo qaadday.

Uhuru Kenyatta waxa uu sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen 14 qof oo aan waxba galabsan.