Somali News

Shabaab oo la wareegay gadiid Shibil uu lahaa degmada Xarardheere

Xarardheere-KNN-Wararka aynu ka heleyno degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in Shabaab ay xoog ku kaxeysteen gaadiid ay lahaayeen dad rayid ah.

Shabaab ayaa dadka gadiidkan leh ku eedeeyay in ay Galmudug ugu shaqeynayeen, maantana waxaa la soo sheegayaa in gaadiidkaa goob fagaara ah oo Xarardheere ku taalla ay kusoo bandhigi doonaan.

Al-Shabaab ayaa qudhooda kala qaybsananaan baahsani ka dhex jirtaa, taliskooda degmada Xarardheere, meelaha qaarna dhiillo colaadeed ayaaba laga soo sheegayaa.