Uncategorized

Shabaab oo sheegay in ay Qarax miino ku dilayn Ciidamo Itoobiyaan ah.

Luuq-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegay in ay qarax ku dilayn Ciidamo ka tirsan Milatariga Itoobiya ee ku sugan deegaan ku dhaw xadka ay degmada Luuq ka wadagaan gobalada Gedo iyo Bakool ee koofurta Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegay in miino ay ku aaseyn deegaan la yiraahdo YURKUD oo ku dhaw degmada Luuq ee gobalka Gedo balse ka tirsan gobalka Bakool ee Soomaaliya ay kula beegsadeen Ciidamada Itoobiya.

Dagaalamayaasha Shabaab ayaa sheegay in ay qaraxaasi ku dilayn ku dhawaad 10 Askari oo ka tirsan Milatariga Itoobiya, Goob joogayaal ayaa sheegay in uu dhacay qarax balse aan si rasmi ah loo ogayn khasaaraha ka dhashay.

Mas’uuliyiinta maamulka Koofur Galbeed ee gobalka Bakool ayaa xaqjiyay in uu qarax ka dhacay deegaanka Yurkud balse uusan jirin khasaare ka soo gaaray Ciidamada Itoobiya.

Ma jirto cid ka madaxbanaan Labada dhinac oo xaqiijin kara khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay deegaanka Yurkud ee gobalka Bakool kuna dhaw degmada Luuq ee gobalka oo xadduud la wadaagta gobalka Bakool.