Uncategorized

Shabaab oo sheegay inay weerareen Saldhigyo Ciidamada Kenya ku leeyihiin Jubada Hoose.

Hosingow-KNN-Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegay inay weerareen Saldhigyo Milatariga Kenya ay ku leeyihiin Degmada Afmadow ee gobalka Jubada Hoose iyo deegaanka Cabdalle Biroole sida ay sheegeen Saraakiisha Al-shabaab.

Qoraal ay soo dhigeen Page-ka ay Internate-ka ku leeyihiin ayay Al-shabaab ku sheegeen in ay weerarkaas ay ku dileen Ciidamo ka tirsan Kenya mudana dagaalka uu socday, sidoo kale Shabaab ayaa sheegay in ay weerarka qaadeen xalay guulana ay ka geereen.

Dhinaca Kale Saraakiisha degmada Afmadow ee gobalka Jubada Hoose iyo kuwa Maamulka Jubbaland ayaa KNN u sheegay in dagaal xoog leh uusan dhicin ayna iska difaaceen weerarkii ay soo qaadeen Al-shabaab.

Saraakiisha Jubbaland ma aysan sheegeen khasaare dhinacooda soo gaaray ama ay gaarsiiyeen Al-shabaab, sidoo kale ma aysan sheegeen Khasaare gaaray Milatariga Kenya ee Jubooyinka ku sugan.