Muqdisho-KNN-War ay Al-Shabaab ku baahiyeen baraha ay Internet-ka ku leeyihiin ayay ku sheegteen qaraxii barqanimadii maanta lagu weeraray xarunta saldhigga degmada Hawl-wadaag ee gobolka Banaadir.
Shabaab ayaa sheegay in weerar ay ku qaadeen xarunta degmada Hawl-wadaag, waxa ayna sheegteen in ay ku dileen saraakiil ka tirsan dawladda Soomaaliya.
Khasaaraha ugu badan ee qaraxan ayaa waxa uu ku dhacay dadka rayidka ah, oo ay kamid ahaayeen caruur ku jirtay dusgi Qur’aan ku yaallay banaanka xarunta la weeraray.