Uncategorized

Shabaab oo soo bandhigay Sarkaal ay sheegeen inuu ka soo goostay Jubbaland.

Jilib-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa gobalka Jubada dhexe ku soo Bandhigay Sarkaal ay sheegeen inuu ka tirsanaa maamulka Jubbaland kaas oo isu dhiibay Al-Shabaabka Jubada dhexe.

Al-Shabaab ayaa ninkaan ay ku sheegeen Sarkaal waxay magaciisa ku sheegeen Xasan Khayre Xuseen waxa uuna sanad ka hor ku Biiray Ciidamada Daraawiishta Jubbaland sida ay hadalka u dhigayn.

Ma jirto Ilo Shabaab ka maaxbanaan oo arintaan xaqiijin kara, Saraakiisha maamulka Jubbaland oo aan la xariirnay wali nooma suurta gelin, Sarkaalka oo warbaahinta ka soo muuqday ayey shabaab ku sheegeen inuu heli doono Nabad galyo iyo Xuriyad sida ay sheegeen.