Muqdisho-KNN-Al-shabaab ayaa sheegay in ay Weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Amaanka Kenya ay ku leeyihiin Gobolka Lamu ee Dalka Kenya halkaas oo ay ku dileen Askar Kenyan ah.
Warbaahinta ku hadasha Afka Al-shabaab ayaa baahiyay in Al-shabaab ay Weerarka Lamu ku dileen 10 Askari oo ka tirsan Ciidanka Kenya, kuwo kalena ay gacanta ku dhigeen.
Al-shabaab waxay sheegeen in dhankooda ay Dagaalkaas uga dhigteen Sadex Dagaalame.
Shalay ayey ahayd Markii Ciidanka military-ga Kenya ay sheegeen in ay Gobolka Lamu ku dileen 10 Dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab, kuwo kale ay baxsadeen iyaga oo dhaawac ah.
Al-shabaab waxay saldhigyo ku leeyihiin Gobolka Xeebta ee Lamu halkaas oo Ciidanka Amaanka Kenya aysan wali ku guuleeysan in ay ka saran.


