Uncategorized

Shabaab oo weeraray degmada Afgooye.

Afgooye-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday Saldhig ay Ciidanka Dowladda ku leeyihiin degmadaasi.

Dagaal culus oo socday ku dhawaad 30 daqiiqo ayaa ka dhacay Afgooye waxaana la sheegay in uu ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray Labada dhinac.

Goob joogayaal ayaa KNN u sheegay in mudadii uu dagaalka Socday saameyn balaaran ku yeeshay dadka deegaanka.

Saraakiisha degmada oo aan la hadalnay ayaa sheegay in uu jiro dagaalka islamarkaana uusan dhinacooda Khasaaro soo gaarin.

Al-shabaab ayaa Sheegtay in ay Guulo ka gaareyn Dagaalkaasi.