Muqdisho-KNN-Waraka ay idaacadda kulmiye ka heleyso Gobolka Bari ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Al-shabaab lagu arkay tuulooyin hor leh oo hoos taga Buuraleyda Galgala, halkaasi oo la sheegay in aysan horey u joogin shabaab.
Dadka deegaanka oo aan la xiriinay ayaa sheegay in ay soo wajahday cabsi badan oo ku aadan In Al-shabaab ay dil u geystaan ama halkaasi uu dagaal ku dhexmaro ciidamada Puntland iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Sidoo kale tan iyo xalay ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan laga dareemayay Gobolka Bari, kaasi oo ay sameynayaan Ciidamada Puntland .
Amaanka Magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona laga cabsi qabo weeraro ay Shabaab iyo Daacish halkaasi ka geystaan.
Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ay howlgalo ka sameeyeen deegaanada xeebta dhaca, una dhaw degmada Garacad ee Gobolka Mudug kadib markii ayay yiraahdeen in ay heleen xog ku aadan weeraro ay Qorsheynayaan Shabaab iyo daacish.