Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya degaano ka tirsan Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaalamayaal iyo Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ay gaareen deegaano hor leh oo ka tiran Gobalkaasi.
Deegaanada ay Al-Shabaab gaareen ayaa waxaa ka mid ah Ceeldheer, Masagawaa iyo Cowsweyne oo dhamaantooda ka wada tirsan Gobalka Galgaduud.
Dadka Degaanka ayaa KNN u sheegay in ay arkayeen dagaalamayaal badan oo ka tirsan Al-shabaab oo galay degaanadaasi, islamarkaana waxaa ay halkaasi ka bilaabeen dhaq-dhaqaaq, iyadoona cabsi badan ay soo wajahday dadka deegaanka.
Boqolaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay gaareen degaanada ka tirsan Gobalka Galgaduuud.
Saraakiil ka tirsan Galmudug ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in heegan buuxa la geliyay ciidamada, si ay ugu hortagaan weerar kasta oo ka yimaada dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa hada waxaa ay maamulaan deegaano badan oo ka tirsan Gobalka Galgaduud.


