Somali News

Shabaabkii ugu badnaa oo lagu dilay Jilib.

Jilib-KNN-Howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga dalka ayaa lagu dilay saraakiil  iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, kaasi oo ka dhacay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Howlgalkan ayaa ka dhacay ilaa iyo shan goob,  oo ay ka mid yihiin xarunta Difaacyada oo ah goob ay ku diyaarinayeen dagaalamayaasha ka tirsan Al-Shabaab, Xarunta Amniyaadka, Xarunta Saadka, goob ay ku diyaariyaan qaraxyada iyo Xarunta maaliyadda oo ah goob ay ku keydsadaan xoolaha iyo lacagaha ay ka qaadaan shacabka, kuwaasi oo gebi ahaanba la bur buriyay, kaddib markii duqeyn xagga cirka ah lala beegsaday.

Saraakiisha ciidanka ayaa xaqiijiyay in howlgalkaasi lagu dilay dhowr boqol oo ka tirsan Al-Shabaab, maadaama ay goobahaas ku sugnaayeen dagaalamayaal lagu qiyaasay 700, oo isugu jirta saraakiil  iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, waxaana goobta lagu bur buriyay 30 gaadiidka dagaalka ah.

Xarunta Shabaab u ahayd difaaca ayaa lala eegtay saddex gantaal, waxaana goobtaasi ay Al-Shabaab ku diyaarineysay dagaalamayaal ay ka soo aruuriyeen gobollada dalka.

Saraakiisha  la xaqiijiyay in howlgalka uu dhaawac culus ka soo gaaray waxaa ka mid  ah Cabdi Nuur Abuu Basma, oo u qaabilsanaa degmada Jilib.