Cadaado-KNN-Abaabul Dagaal iyo dhaq dhaqaaq Ciidan oo xoog leh ayaa laga soo sheegayaa iney ka taagan tahay goobihii lagu dagaalamay ee CAAD iyo CAMAARA ee ku yaala Koofurta Gobalka Mudug sida ay sheegayaan dadka deegaanka.
Masuuliyiin ka tirsan Mudug iyo Galgaduud ayaa soo sheegayaa in Labada dhinac ay soo gaareyn Ciidamo dheeraad ah oo xoojiyo kuwii shalay ku dagaalamay deegaanka CAAD ee Gobalka Mudug.
Dadka deegaanka ayaa Marastooda kala baxaya deegaanka lagu dagaalamay, waxaana sii xoogeysanaya xiisadda iyo abaabulka dagaalka ee halkaasi ka socda, Masuuliyiin ka soo jeeda deegaanada lagu dagaalamay ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay dagaalada ka soo cusboonaaday deegaankaasi.