Somali News

Shacab iyo booliis gacanta is kula tagay magaalada Hong Kong


Dibad baxayaal kumanaan ruux ah oo cadhaysani ay dhigayaan ayaa maanta waxa uu ka dhacay magaalada Hong Kong.

Dibad baxayaashan cadhaysani ayaa waxa ay gacan isula tageen fagaaro yaal ay isugu soo baxeen ciidamada booliska ah ee u tababaran ka hortagga rabshadaha iyo dibad baxyada ee dalkaasi.

Booliska ayaa dadkan dibad baxayaasha ee kumanaanka ruux waxa ay u adeegsanayeen sunta dadka ka ilmaysiisa si ay u kala eryaan, waxaa sidoo kale la soo werinayaa in boolisku xabsiga dhigeen qaar ka tirsan dibad baxayaashaasi sida laga oo xigtay wakaalada wararka ee Reutors.

Dadkan dibad baxaya ayaa cabasho ka ah waxyaabo ay ka mid yihiin dhaqaalaha dalkasi oo hoos u dhacay, dhanka kalena ka soo horjeeda dhul balaadhsiga Shiinaha, waxaana rabshadahani socdeen in ku siman 8 bilood, balse aysan xukuumadda Bejiin ee Hong Hong ilaa waqtigaas wax hadal ah ka soo saarin