Somali News

Shacab iyo Shabaab ku dagaallamay Koonfurta gobolka Mudug

Muqdisho-KNN-Warar naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in maanta uu dagaal halkaasi ku dhex maray dad Shacab ah iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Shabeellow ee qiyaastii 25KM dhinaca Koonfureed kaga beegan deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Dagaal ayaa yimid ka dib markii ay Al-Shabaab halkaasi ku dileen Macalin dhigi jiray Dugsi Qur’aan, taas oo keentay in shacabka is abaabulaan, oo ay la dagaalamaan Al-Shabaab.

Dagaalkaas ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhinteen Toddoba ruux oo shacab ahaa halka Saddex kalena ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo loo qaaday magaalada Gaalkacyo dhaawacyadooda si halkaa loogu dabiibo.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in ay dib kaga soo biireen Ciidamo ka tirsan dawlada Soomaaliya, kadibna ay goobta ka carareen Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha dagaalkaasi ka soo gaaray, dhanka Al-Shabaab.