Uncategorized

Shacab ku dhintay qarax Caawa ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 4 qof oo shacab ah ayaa ku dhintay in kabadan 7 kalane dhaawacyo ayaa ka soo gaaray qarax goor-dhaw ka dhacay degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa Miinada Nuuca dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay Laamiga Iskuulka Godeey oo ku dhaw isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan waxa uuna haleelay Gaari ay dad shacab ah oo ku sii jeeday Suuqa degmada Kaaraan.

Goob joogayaal ayaa KNN u sheegay in ay arkayn dhimashada ugu yaraan 4 qof oo saarnaa Gaari Homey kuwaas oo haleelay qaraxa waxaana sidoo kale dhaawacyo uu soo gaaray dad kale oo gaariga saarnaa iyo shacab kale oo ka agdhawaa.

Waxyar ka hor inta uusan qaraxa dhicin ayaa la sheegay in Sarkaal ka mid ah Ciidamada Booliiska Soomaaliya oo magaciisa lagu soo koobay Kash Kash uu goobtaasi dhaafay waxana la maqlay dhawaaqa Qarax xoog badan oo jidka geeskiisa ku aasnaa sida ay sheegeen dadkii goobta tagay.

Warar kale ayaa sheegaya in Ciidamo ka mid ah Ilaalada Sarkaalka Booliiska ah ay ku dhaawacmeyn Qaraxaasi waxaana dhaawacyada soo gaaray ay u badnaayeen kuwa fudud.

La soco wixii ku soo kordha.