Uncategorized

Shacab ku dhintay Qarax haleeyay Gaari ay saarnaayeen.

Baraawe-KNN-Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay in kabadana waa ay ku dhaawacmayn qarax miino oo haleelay Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo ku safrayay degmada Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Maamulka degmada Baraawe ee koofur Galbeed ayaa KNN u sheegay in Qaraxan uu ka dhacay inta udhaxeysa degaanada Bunqabad iyo Ambareeso ee degmada Baraawe, waxaana dadka dhaawacmay qaarkood la sheegay in ay tahay mid halis ah.

Maamulka degmada Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in qaraxaan ay dhulka geliyeen Dagaalamayaasha Al-Shabaab.