Somali News

Shacab ku waxyeeloobay Qarax ka dhacay Awdheegle oo lasoo gaarsiiyay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose oo is garabsanaaya ayaa olole nadaafadeed iyo jarista geedka  loo yaqaano(Cali-Garoobka) ka bilaabay xaafadaha degmda Aw-dheegle,kadib markii laga xoreeyay magaaladaasi dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Al-shabaab ayaa shacabkii waday jarista geedaha iyo nadaafadda  ku qarxiyay miino nooca Remote control ah oo meelaha fog fog laga hago 4tii Bishan,taas oo sababtay dhaawaca 7ruux oo shacab ah,ayadoo hal ruux ugu dambayntii uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray

Dowladda Soomaaliya ayaa dadkii shacabka ahaa u fidisay gurmad caafimaad,waxayna diyaarad kaga soo daad guraysay degmada Awdheegle,kuwaasi oo haatan lagu dabiibayo magaalada Muqdisho.