Uncategorized

Shacab Muqdisho ka dhigay Banaanbax looga soo hor-jeedo dagaalkii ka dhacay degmada Hodan.

Muqdisho-KNN-Qaar ka mid ah Shacabka ku nool degmooyinka Hodan iyo Deyniile ayaa maanta banaanbax ka hor dhigay goobihii lagu dagaalamay oo ay xiliga dibad-baxa ku sugnaayeen Taliyaal ciidan.

Shacabka Banaanbaxaya ayaa dal banayay in la joojiyo dagaalka oo saakay giliyay barakac iyo kala carayay waxaana markii danbe kala eryay Ciidan ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Banaanbaxayaasha ayaa socod ku soo maray qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho waxaana markii danbe ay isugu tageen Labo goobood oo kala ah Tarabuunka iyo Haanta-dheer oo ah halkii lagu dagaalamay.

Dadka ku nool magaalada Muqdisho gaar ahaan Caruurta iyo Dumar-ka ayaa la so baxay Wiji ka duwan sidii Shacabka muqdisho lagu yaqiinay oo aheyd in ay ka aamusaan dhibaatooyinka Magaalada taas ah oo Shacabka garawsadeen Awoodooda oo ah in dibadbax ku muujiyaan rabitaankooda.