Uncategorized

Shacab u badan Caruur oo ku dhintay Qarax iyo dagaal ka dhacay deegaanka Carbiska ee duleedka Muqdisho.

Lafoole-KNN-Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay in ka badana waa ay ku dhaawacmeyn Qarax iyo dagaal is bar bar socday oo maanta Ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab ku dhaxmaray deegaanka Carbiska ee duleedka magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa Idaacadda kulmiye u xaqiijiyay in dhimashada iyo dhaawaca dadkaan ay timid kadib markii Qarax miino loo dhigay Gaadiid ay wateyn Ciidanka AMISOM kadibna weerar lagu soo qaaday goobtii lagu qarxiyay.

Halka ay qaraxa iyo dagaalka ka dhaceyn oo Carbiska ayaa la sheegay in ay aheyd goob aad u mashquul badan waxaana dadka ku dhintay ku jira Caruur Dugsi qur’aan dhiganayay iyo Macalinkoodii sida ay xaqiijyeen dadka deegaanka iyo mas’uuliyiinta gobalka.

Dadka ayaa intooda badan ku dhintay Rasaasta ay labada dhinac is dhaafsadeen waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Ciidanka AMISOM ay toogasho toos ah fuliyeen inkastoo aan wararkaas la hubin.

Dilka dad Shacabka ah ayaa yimid ka dib markii Ciidamada AMISOM halkaasi Qarax lagula eegtay, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in ciidanka AMISOM ay bilaabeen in ay toogasho ku dilaan qaar ka mid ah dadka degaanka.

Guddoomiye ku xigeynka gobalka ayaa Idaacadda kulmiye u sheegay in Shacabka dhintay aysan toogan Ciidanka AMISOM balse ay ku dhintayn rasaas ay is dhaafsadeyn Al-Shabaab iyo AMISOM qaraxa kadib.

Dadka ay dhaawacyada soo gaareyn ayaa qaar kood la sheegay in ay ku jiraan Xaalad aad u liidata waxaana laga yaabaa in ay dhimashada intaasi ka badato.

Dhinaca kale diyaarad nuuca Ciidanka ayaa la sheegay in ay gaartay deegaankaasi si ay u soo qaado Khasaare soo gaaray Ciidanka AMISOM ee halkaasi dagaalka ku galay.

Ciidanka AMISOM ayaa la sheegay in dagaalka ay kaga dhintay Dhowr Askari sidoo kalane ay qaar kale kaga dhaawacmayn.