Uncategorized

Shacabka D/Beladxaawo oo loogu baaqay in ay ka guuraan goobaha uu marayo Derbiga ay dhiseyso Kenya

Beladxaawo-KNN-Maamulka degmada Beladxaawo ee gobolka Gedo ayaa shacab degan goobaha uu sameeyay dhismaha Darbiga Kenya ku amray in ay si deg deg ah uga guuraan.

Maamulka degmada ee Jubaland ayaa sheegay in shacabka loogu baaqayo in ay si deg deg ah u baneeyaan guryaha ku yaala Goobaha ay Dowlada Kenya dooneyso in ay marsiiso Darbiga ay ka dhiseyso Degmada Beladxaawo ee gobolka Gedo.

Wariyaha Kulmiye ee gobolka Gedo ayaa soo warinaya in maamulka degmada arintaan goor dhow uu faray shacabka ku dhaqan degmadaasi, shacabkana amarkaasi ay aad ugu xumaadeen.

Dhankale Banaanbax looga soo horjeedo dhismaha Darbiga Kenya ay ka wado Xadduuda degmada Belad-xaawo ayaa maanta ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobalka Gedo.