Somali News

Shacabka dalka Sri Lanka oo maanta u dareeray goobaha codbixinta dalkaasi

Muqdisho-KNN-Dalka Sri Lanka ayaa maanta waxaa ka bilowday doorashada madaxtinimo ee dalkaasi loogu soo dooranayo madaxweyne cusub.

Waxaa doorashadan ku tartamaya xisbiyada siyaasadeed ee dalkaasi ka jira, kuwaas oo ay ku jiraan musharaxiin u tartamaya xilka madaxweynaha Sri Lanka.

Goobaha cod bixinta ayaa maanta waxaa u dareeray in ka badan 16 milyan oo ruux oo reer Sri Lanka ah si ay codadkooda u dhiibtaan.

Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee dalkaasi Gobataya Rajapaksa ayaa ka mid ah musharaxiinta maanta tartamaya, isagoo sheegay in uu ku kalsoon yahay in uu ku soo bixi doono doorashadan maanta socota.