Dhuusamareeb-KNN-Qaar ka mid ah Shacabka ku nool degmooyinka Dhuusamareeb,Guriceyl iyo Matabaan oo ah saddexda degmo oo kaliya ay maamulaan Ahlusunna ayaa soo dhaweeyay heshiiska hor dhaca ah oo ay Jabuuti ku gaareyn Galmudug iyo Ahlusunna.
Dadka ku nool degmooyinka ay maamulaan Ahlsuunna ayaa muddo dheer dhowrayay in ay is raacaan Shacabka ku nool Galgaduud iyo Mudug balse waxaa hor taagnaa Ahlusunna oo midowga Shacabka Galmudug ku xirtay dano siyaasadeed oo ugaar ah.
Magaalada Jabuuti ee Caasimada dalka jabuuti ayaa shalay heshiis hor dhac ah waxaa ku kala saxiixday Ahlusunna iyo Galmudug waxaana heshiiskaasi ugu weynaa in Ahlusunna ay ku biirto Galmudug oo ah maamul ay aqoonsan tahay Dowlada Soomaaliya iyo beesha Caalamka kana tirsan Federaalka Soomaaliya.