Muqdisho-KNN-Banaanbax looga soo horjeedo ciidamo ka tirsan militiriga soomaaliya ayaa waxaa uu ka socdaa qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya.
Dibad bax ayaa waxa uu ka socdaa Degmada Kaaraan iyadoo Dadweyne ka Carooday Dil shalay ka dhacay degmadaasi,islamarkaana ay dilkaasi geysteen Ciidanka Dawlada Soomaaliya.
Qofka Shacabka ah ee lagu dilay Muqdisho gaar ahaan Degmada Kaaraan ayaa waxa dilkiisa ka careysiisay dadka deegaanka oo dibad bax ka dhigay maanta Degmadaasi.
Mid ka mid ah Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa Sheegay in Banaan bax looga soo horjeedo Ciidamada Dowlada Soomaaliya uu ka dhacay Degmada Kaaraan,islamarkaana ay ka caroodeen,kadib markii qof ka mid ah dadka degaanka lagu dilay Degmadaasi.
Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in Maanta uu xiran yahay Ganacsiga Suuqa Degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir,islamarkaana uusan Shaqeynaynin,dadkana ay ka biiyo diidan yihiin Dilalka ay geysanayaan Askarta Ka tirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya.
Maamulka Degmada Kaaraan weli kama Hadlin dilkii shalay ka dhacay Degmadaasi iyo Banaanbixii kadib ka dhacay Ee Maamulkada Degmadaasi looga soo horjeeday.
Sidoo kale Waxaana Arintan ka hadlay Saraakiisha Ciidamada Amaanka ee Dowlada Soomaaliya,kaasi oo ku aadan Cabashada ay muujinayaan Dadka Shacabka ah ee ku nool DegmadaKaaraan ee gobalka Banaadir.