Uncategorized

Shacabka magaalada Muqdisho oo Golaha shacabka ugu baaqay in ay Khilaafkooda xaliyaan.

Muqdisho-KNN-Qaar ka mid ah shacabka ku nool magaalada muqdisho ayaa walaac xoog leh ka muujiyay xaalada sii xumaaneysa ee ka dhax taagan Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna ku baaqayn in caqliga shaqeeyo si looga gudbo marxaladda adag ee dalka ku jiro.

Shacabkaan oo lahadlay Idaacadda kulmiye ayaa dhamaantood qiray in dalka ku jiro xaalad adag oo dhinac amniga iyo siyaasadda ah markii loo eego weerarada Al-shabaab iyo Khilaafka ba’an ee ka dhax jira Hay’adaha Dowladda.

Dadkaan ayaa ku baqaay in laga feejignaado isku dhacyo dhaxmara hay’adaha Dowladda xal aheyn muranka iyo dooda taagana lagu xaliyo Khilaafka ka dhax jira Hay’adaha Dowladda.

Rajada Shacabka Soomaaliyeed ee Dowladda Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gaartay meeshii ugu hooseysay waxaana qof walba uu kuu sheegayaa in xaaladda dalka ku jira ay tahay mid ka sii dareysa halkii ay qabayn in ay Dowladaan ka dhaxli doonaan Nabad iyo Xasilooni.

Walaaca shacabka ayaa ah mid ku salaysan oo kaliya khilaafka hay’adaha Dowladda iyo Xasilooni darada siyaasadeed ee dalka ka taagan halka markii hore dadka ka walaacsaneen qatarta Al-shabaab, waxayna tani muujineysay in khilaafka ka dhax jira hay’adaha Dowladda uu rajo beel ku ridaya Shacabak daalan 30-ka sano waayo joog usoo ahaa Dowlad la’aan iyo bur bur xoog leh.