Uncategorized

Shacabka Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inay qeyb ka yihiin hurinta xiisada siyaasadeed ee taagan

Muqdisho-KNN-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya lana hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in Xiisada siyaasadeed ee ka dhax taagan Golaha Shacabka kana dhalatay Mooshinkii ka dhanka ahaa Gudoomiye Gawaari ayuu ku eedeeyay in qeyb ka ciyaaraan hurinteeda bulshada Soomaaliyeed.

Xildhibaanka ayaa yiri Idaacadaha wixii ay rabaan ayey afuufayaan, Baraha bulshada wixii la doono ayaa lagu qoraa, mana jirto cid mas’uuliyad iska saarta ilaalinta Qaranka, iyo dalkaba, taasina ay tahay dhibaato inteeda la’eg.

Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in qeybaha kala duwan ee bulshada ay ku milmeen siyaasada isla markaana ay ugu hadlaan qaab qabiileed, qaab urureed iyo wixii la mid ah.