Somali News

Shacabka Turkiga oo maanta u dareeray codbixinta Doorashada madaxtinimo ee dalkaasi

Muqdisho-KNN-Wadanka Turkiga ayaa guud ahaan Saaka waxaa loo dareerayaa Goobaha codbixinta ee loogu talagalay in cododka lagu dhiibtay.

Shacabka Turkida ayaa isu diyaaranaya sidii ay usoo dooran lahaayeen Madaxweeynaha Cusub ee dalka iyo Sidii ay usoo xuli lahaayeen Xubnaha Golaha Barlamaanka ee dalkaasi.

Sadaasha ayaa waxaa loo badinayaa in Markale uu Madaxweeyne noqon Mudane Racep Tayyip Ordagn kaa oo dalkaasi soo Maamulayay tan iyo sanadkii 2003-dii.

Guud ahaan amaanka ayaa siweyn loo adkeeyay hayadaha amaankuna waxa ay sheegayaan in ay diyaar uyihiin sidii ay uga hortagi lahaayeen Fad qalalo ka dhaca Goobaha Codka laga dhiibanayo.