Somali News

Shacabka Uganda oo maanta u dareeraya goobaha Codbixinta

Shacabka reer Uganda, ayaa maanta oo Khamiis ah waxa ay u dareerayaan Doorashada guud ee dalkaasi oo ay ku so dooranayaan Madaxweynaha talada haynaya Shanta Sano ee soo socota. 

Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka dalka Uganda, gaar ahaan goobaha ay ka dhacayaan Codbixinta Doorashooyinka Madaxtinimada dalkaasi. 

Madaxweynaha hada haya talada dalka Uganda Yoweri Museveni oo 30 sano haayay Madaxtinimada dalkaasi, ayaa weli doonaya in uu tartamo oo uu ku guuleysto mar kale hogaanka dalkaasi.

Goobo kala duwan ayaa la dhigay Sanaadiiqda codbixinta, waxaana halkaasi lagu arkayaa shacab u taagan inay dhiibtaan codadkooda. 

Ciidamo badan ayaa la dhigay goobaha codbixinta Doorashada ay ka dhaceyso oo amniga si weyn ayaa loo adkeeyay.

Uganda ayaa laga cabsi qabaa in ay lugaha la gasho khalalaaso siyaasadeed, xili muran xoogan uu ka taagan yahay doorashada dalkaasi.