Malaayin qof oo uu dhashay dalka Japan ayaa codkooda ka dhiibanaya doorashada guud ee dalkaasi oo ah mid laga soo horumariyay wakhtigii loo asteeyay.
Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Shinzo Abe oo sannad kahor ku dhawaaqay doorashadani ayaa sheegay inuu doonayo in uu wax ka qabto dhaqaalaha iyo siyaasada arrimaha dibadda.
Waxaana Mr Abe oo markiisi afaraad u tartamaya xilkaasi uu sidoo kale ballan qaaday in haddi la doorto uu la tacaali doona khatarta Nukleyr ee Japan kasoo wajaheyso dalka Kuuriyada Waqooyi, iyo in collaad dambe aysan sii socon doonin. Shacabka dalkaasi ayaa u dareeray goobaha codbixinta xili duufaan ay kusoo wajahantahay Japan.
Shinzo Abe ayaa u muuqda inuu ku guuleysan doona doorashada, inkastoo ra’yi uruurin la sameeyay ay muujineyso in taageeradiisa ay hoos u dha