Uncategorized

Shan Musharax oo Maanta Qudbad ka hor jeedin doona Baarlamaanka Hirshabelle

Jowhar–KNN– Baarlamaanka Maamul Goboleedka Hirshabelle ayaa Shalay Bilaabay Dhageysiga Qaar ka mida Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle,waxaana Xildhibaanada Qudbad ay uga hadlayaan Barnaamijkooda Siyaasadeed ka horjeediyay illaa Saddex Musharax.

Maanta ayaa lagu Wadaa in illaa Shan Musharax ay Baarlamaanka ka horjeedin doonaan Qudbadda ay uga hadlayaan waxa ay qaban haddii loo doorto Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle.

Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa sheegay in Maanta la soo Gaba gabeynayo Dhageysiga Qudbadda Musharaxiinta islamarkaana Berri oo Jimce ah la nasan doono,Sabtida soo socotana la qaban doono Doorashada Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle.

Xilka Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle waxaa u Ordaya illaa Siddeed Musharax,kuwaas oo Olole Xoog leh ka bilaabay Magaalada Jowhar oo ay ka socoto Qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle oo Labo Maalin ka dib ka dhici doonta Caasimadda Hirshabelle ee Jowhar.