Muqdisho-KNN-Shirka Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul Gobaleedyada Soomaaliya ee maalmihii la soo dhaafay ka socday Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay jiraan Doodo kulul oo ay yeelanayaan Labada dhinac.
Wararkii ugu dambeeyay oo ay Idaacada kulmiye ka heshay xarunta Shirka ee Villa Somalia ayaa sheegayo in Ka qeyb galayaasha Shirka ay isku mari la yihiin aa 5 qodob oo xasaasi ah waxaana laga yaabaa in Shirka Maalmo kale oo dheeraad ah qaato ama qodobada qaar doodooda dib loo dhigo.
Qodobada la isku haayo ee 5ta ah ayaa waxa ay kala yihiin.
Dood ka taagan Magaca Golaha iskaashiga ee Dowlad Gobaleedyada oo ay diidan tahay in Dowladda Soomaaliya aqoonsato halka maamuladana doonayaan in la aqoonsado oo war murtiyeedka lagu soo saaro.
Dood kale oo ka taagan qodobada 53-aad iyo 54-aad ee Dastuurka Dalka oo siyaabo kala Duwan loo fasirtay waxaana laga yaabaa in qodobkaan dib loo dhigo.
Sidoo kale waxaa la isku haayaa Madaxda Galmudug iyo K/Galbeed Dacwad ay soo gudbiyeen oo ka dhan Xukumadda Kheyrre oo ay sheegeen in ay dumineyso Labadaas maamul waxaana la sheegay in Shirka Natiijo ka soo baxda ay ku xireyn in Xukumada soo afjarto xiisadaha ka taagan Baydhabo iyo Cadaado ee ka dhan Xaaf iyo Shariif Xasan.
Qodobka 4aad ee dooda ka taagan tahay ayaa lagu sheegay in uu yahay Hindise Sharciyeedyada ka soo gudba Golaha Wasiirada ee Baarlamaanka Soomaaliya la hor geeyo.
Maamulada ayaa ku doodaya in sharciyada cusub ee ka soo gudba Golaha wasiirada ka hor Baarlamaanka laga tala giliyo maamulada halka Xukumadda ay ku doodeysa in aysan awoodin marka loo eego dhinaca dhaqaalaha iyo waqtiga galayo iyo in Maamulada ay wakiilo ka yihiin Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Sharciyada Baas mareeyo.
Qodobka ugu dambeeyo oo ay dooda ka taagan tahay ayaa ah arimaha mashaariicda.
Madaxda Maamul Gobaleedyada ayaa sheegay in aysan helin wax mashaariic ah xukumadana ugu baahan yihiin qoondo mashaariic si loo wada faa’iido waxaana laga yaabaa in qodobkaan uu galo qeybsiga kheyraadka oo dib loo dhigo.
Shirka ayaa la filayay in la soo gaba gabeeyo Shalay oo khamiis aheyd waxaana la sheegay in ay dib u dhigeyn doodaha taagan.