Muqdisho-KNN-Qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee dalka ayaa walaac ka muujiyay qodobo laga soo saaray shirkii dib u heshiisiinta Galmudug oo xalay madaxweyne Farmaajo uu kusoo xiray magaalada Dhuusamareeb.
Xisbiyada kala ah UPD, Wadajir, Ileys, Horu Socod Qaran iyo Midowga Nabadda Horumarka ayaa waxa ay sheegeen in dowladda federaalka ay afduub ku heyso dhismaha maamulka Galmudug, iyagoo ugu baaqay dowladda in fara galinta qaawan ay dayso dhismaha maamulkaas.
Habraaca doorashooyinka iyo dastuurka dalka ayey sheegeen in ay baal martay xukuumaddu, isla markaana ay is laheysiiday howlaha dhismaha maamulka Galmudug.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Xisbiyada:-

