Somali News

Shan Xisbi siyaasadeed oo ka hadlay sharciga doorashooyinka dalka

Muqdisho-KNN-Qaar ka mid ah Axsaabta siyaasadeed ee dalka ayaa waxay kaga hadleen aratidooda ku aadan doorashooyinka dalka ka dhici doona, iyagoo soo jeediyay in doorashada dalka ka dhici doonta ay noqoto Hal qof iyo Hal cod.

Xisbiyada kala ah UPD, Ilays, NDP, Wadajir iyo NPP, ayaa War saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen waxa ay kaga hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka, hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaran oo ay dhowaan ansixiyeen golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya iyo arimo kale oo ku saabsan doorashooyinka lagu wado in ay dalka ka dhacaan sanadka 2020ka.

Sidoo kale Xisbiyada waxa ay walaac ka muujiyeen in dowladda hada jirta ay sameysato muddo kororsi, iyagoo soo jeediyay in sharciga doorashooyinka ee Xukuumadda ansixisay in dib loogu noqdo lagana talo geliyo qeybaha bulshada iyo xisbiyada siyaasadeed ee dalka.

Hoos ka Akhriso War-warsaxaafadeedka Xisbiyada.