Somali News

Shaqaalaha Ajaanibta ee ka howlgala deegaanada Puntland oo amar la duldhigay.

Garoowe-KNN-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Maamulka puntland ayaa waqti u qabatay inay isku-soo diiwaangeliyaan Shaqaalaha Ajaanibta ah ee ku sugan deegaanada Maamulkaas si loo hubiyo tiradooda saxda ah.

Shaqaalaha Ajaanibta ayuu  ku amray inay u hoggaansamaan shuruucda dalka,isla markaana sida saxda ah isku diiwaangeliyaan.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in la doonayo inay isa-soo diiwaangeliyaan inta ka horaysa 30-ka bisha June ee sanadkaan 2019 cidii isdiiwaangelin weysana ay tallaabo ka qaadi doonaan.

“Cid alaala iyo cidii isku-diiwaangelin weysa waqtiga aan u qabanay ee Ajnabi ah wax shaqo ah kama qaban doonto deegaanada Puntland,waana amar dowlo oo sharci ah cidii ka dhega adeegtana kama yeelid oono oo tallaabo Sharci ah ayaan ka qaadeynaa ayuu yiri Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha puntland.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii deegaanada Maamulka Puntland laga ceyriyay Shaqaale Ajaanib ah, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay ku xadgudbeen sharciga deegaanada Maamulkaasi.